Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay saddex xubnood oo ka mid ah Ururka Asaaciduun Bil Xaq
somaliland Tue 11-04-2017 05:18:18

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa ku waramaya in ciidamada ammaanka ay xabsiga dhigeen saddex ka mid ah xubnaha Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Ururka Asaadicuuna Bil Xaq.

Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada boolisku xireen raggaan kadib markii la ogaaday inay amniga Somaliland khatar ku yihiin ururkaani,waxaana lagu soo qabtay saddexdaasi xubnood hawlgal ay boolisku sameeyeen oo qaatay in ka badan 8 saacadood.

Waxa uu sidoo kale sheegay Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan in raggaan ka tirsan Asaadicuuna bil xaq, in dhawaan Maxkamadd lasoo taagi doono, islamarkaana lagu ridi doono waxa uu sharciga ka qabo dadka halista ku ah amniga Somali-land.

Dhawaan Ururka Asaadicuuna bil xaq ayaa loogu dhawaaqay Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland,balse Puntland ayaa sheegtay in dagaal lala gali doono ururka oo la sheegay in uu Qatar ku yahay diinta islaamka.
PreviousMadaxweynaha Koonfur Galbeed oo ciida...