Xildhibaan Daahir Jeesow: Qaraxyada ka dhacaya Muqdisho waxa ay jawaab u tahay dagaalkii Madaxweynaha uu iclaamiyay
SOMALI Tue 11-04-2017 05:16:21


Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay dagaalkii uu iclaamiyay Madaxweynaha Somaliya Farmaajo inuu ahaa mid ku yimid xaalad aanan loo baahneyn. Xildhibaanka ayaa sheegay qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho Shabaab inay jawaab uga dhigayaan dagaalkii uu Madaxweyne Farmaajo kaga dhawaaqay inuu dalka galay. Wuxuu sheegay hadalkaasi ku dhawaaqista dagaalka ka dhanka ah Shabaab inuu ahaa mid uu aad ugu fududaaday Madaxweynaha, maadaama Saraakiisha ciidamada qalabka sida weli aysan la qabsan shaqada Qaranka. “Aniga waxaan qabaa ku dhawaaqistii Madaxweynaha ee uu ku dhawaaqay dagaalka, iyadoo weliba ciidamadii Saraakiishooda la kala bedelay oo kuwa cusub ay yimaadeen, kuwa cusubna ay rabaan inay qaybihii iyo guutooyinkii kale ee ciidanka uu lahaa inay bedelaan Saraakiishooda oo weli aysan is diyaarin in dagaal lagu dhawaaqo qalad ayeey aheyd.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Xildhibaanka ayaa intaasi wuxuu ku daray “Aniga waxaan dareemaayaa fududeed aad u badan wax weyn ma soo kordhinayso dal dagaal ku jira in dagaal la iclaamiyo.” NextTaliyaha cusub ee Booliska oo sheegay...