Imaaraadka Carabta oo sheegay inuu ka qayb qaadanaayo dagaalka ka dhanka ah Shabaab
SOMALI Tue 11-04-2017 05:14:47

Sida ay qorayaan qaar ka mid ah Wargeysyadda waa weyn ee ka soo baxa Qaaradda Asia Madaxweynaha Somaliya dowladda Imaaraadka Carabta waxa ay u balan qaaday in ay si joogto ah uga qeyb qaadan doonto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Taliyaha Guud ee ciidamada dowladda Imaaraadka Carabta ayaa balan qaaday in ay xoojin doonaan taageerada Militari ee ay siiyaan dowladda Somaliya.

Waxaa uu xusay in ay ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya ay ku gaari laheyd horumar ,islamarkaana dib loogu soo celin lahaa Xasiloonidii ay barisamaad la haan jirtay.

Sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in la tayeeyo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayay si weyn uga wada hadleen Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya, waxaana inta badan ay tababaraan Ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogga dalka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn uga codsaday Madaxda dalkaasi in ay Soomaaliya ka taageeraan dhanka Amniga.
NextXildhibaan Xidig: Awooda Baarlamaanka...