Xildhibaan Xidig: Awooda Baarlamaanka Afgooye iyo Balcad ma gaarsiisno
SOMALI Tue 11-04-2017 05:11:37

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay awooda Baarlamaanka inaysan dhaafsiisneyn Magaalada Muqdisho, islamarkaana xitaa aysan gaari karin Afgooye iyo Balcad.

Xildhibaan Xidig wuxuu sheegay go'aanada iyo amarada ay soo saaraan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya in lagu dhibo kaliya dadka ku nool Gobolka Banaadir.

“Baarlamaanka awoodiisa xagee gaarsiisan tahay? Afgooye ma gaarto Balcadna ma gaarto, Gobolkaan Banaadir oo caasimadda ah oo aan deganahay dadka jooga kaliya ayaa dhibaato ku haynaa, awaamiirta iyaga ayeey ku fushaa, wax kastana iyagaa lagu dul qabtaa, aniga waxaan soo jeedinayaa Gudoomiye, hadii Baarlamaankaan uu yahay midka Federalka Somaliya, dowladda ay tahay tii Federalka Somaliya in la keeno Barnaamijyo cad cad oo wax looga qabanaayo dalka, maalin kasta Dakad baa sidan la yeelay iyo xaafad baa sidan la yeelay laguma jiri karee.” Ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Awooda Dowladda dhexe iyo mida baarlamaanka ayuu sheegay in loo baahan yahay inay gaarto guud ahaan Gobolada dalka Somaliya, si dowladnimada loo balaariyo.

Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa isku arka kuwa ka madax banaan Dowladda dhexe, waxayna heshiisyo toos ah la galaan dowladaha Shisheeye.