War dag dag ah Dhimashada Qoriile oo kor u dhaaftay 50 qof
Qorile Tue 04-04-2017 03:31:12

War dag dag ah Dhimashada Qoriile oo kor u dhaaftay 50 qof inta la hubo iyo 300 qof oo la ildaran xanuunkaas choleraha. Xanuukan waa mid deegaanka oo dhan saameeyay balse waxaa aad u daran deeganka qorile gobalka Doollo
67 qof oo uu soo riday cudurka Daacuun Caloolaadka, ayaa maanta la geeyey deegaanka lagu magacaabo Lama-Dega, oo u dhexaysa magaalada Danood iyo Wardheer. Hay'adda MSF ayaa dadkan ka soo qaaday magaalada Qoriile, si halkaas loogu karantiimo.
Dadkan Qoriile laga soo qaaday ayaa u badan dad waaweyn, oo ka mid ahaa qoysaskii xoolaha kaga dhamaadeen abaarta deegaanadaas ka jirta. Qoysaska oo tiradooda lagu qiyaasay 800 qoys, ayaa soo kor degay magaalada Qoriile oo ay soo miciin bideen, balse nasiib darro, magaalada Qoriile ayaa iyada lahayn haba-yaraatee wax la taaban karo oo ah adeegyada caafimaadka.

Talaabadan ay qaaday Hay'adda MSF ayaa ah in dadka uu hayo curudka Daacuunka la kala fogeeyo, si loo xakameeyo faafitaankiisa.

Gadaal ayaan ka soo daabici doonaa magacyada caruurta tirada badan ee reer Qoriile ee u dhintay cudurkaas Daacuun caloolaadka
fadlan waxii war bixin aad hayso soo dir Danood1@gmail.com