(SAWIRO) 38 Caruur ah oo Cudurka Daacuunka ugu Dhintay Magaalada Qoriil
Gobalka doollo Tue 04-04-2017 02:55:37


Wararka ka imanaya magaalada Qoriile ee degmada Danood ayaa sheegaya in tirada dadka u dhimanaya cudurka Daacuunka uu kor u kacay. Dhimashada hadda waxay maraysaa 38 caruur ah, iyo 7 dadka waaweyn. Xabaal wadareed ayaa la rabaa in dadka lagu aaso, balse dhibaatada jirta ayaa ah iyada oo aan lahayn cagaf lagu qodo xabaasha. Hay'adda MSF iyo saraakiisha xafiiska caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ayaa la tacaalaya daaweynta dad kor u dhaafaya 300 qof oo cudurka daacuunka soo riday. Arinta cudurkan sii faafisay ayaa ah iyada oo labadii maalmood ee ugu horeeyay aan la xidhin Dugsi Quraanada caruurta lagu baro Qur'aanka iyo iskoolka dowladda ee magaalada ka furan, arintan oo la sheegay in ay sababtay in caruur badani cudurka isqaadsiiyaan. Waxaa jira qoysas dhowr caruur ah ku waayey cudurkan, SubxaanAllah!. Dhibaatada ugu weyn ee dadka soo wajahday oo ah in haba-yaraatee magaalada Qoriile aysan ka jirin adeega caafimaadka, iyadoo la wada ogyahay in magaaladani ka mid tahay deegaanada ugu faca weyn gobolka Doollo.



































Xigasho: Jubbaland24,