(SAWIRO) 29Qof oo Cudurka Daacuunka ugu Dhintay Magaalada Qoriile ee Gobolka Doollo
Qorile Mon 03-04-2017 02:17:13


gu yaraan 29 qof oo 16 ka mid ahi yihiin caruur ayaa ku dhintay magaalada Qoriile oo ka tirsan degmada Danood ee gobolka Doollo. Dadkan ayaa u dhintay cudurka Daacuunka oo soo riday maalmihii la soo dhaafay. Dadkan geeriyooday ayaa ka mid ah 800 qoys oo xoolihii ka dhamaadeen abaarta darteed, ka dibna soo kor degay magaalada Qoriile. Xafiiska arimaha caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalid Itoobiya (DDSI) iyo Hay'adda MSF ayaa la tacaalaysa daaweynta 150 qof oo kale oo cudurkani soo riday. Cudurkan daacuunka oo magaalada Qoriile ka dilaacay 2 maalmood ka hor, ayaa weli ku kooban magaalada Qoriile oo kaliya, kumana faafin deegaanada ka baxsan magaalada. Waxaa loogu baaqayaa jaaliyadda gobolka Doollo ee ku dhaqan daafaha dunida in ay wixii gurmad ah la soo gaadhaan walaalahooda tabaalaysan. Dadka ku sugan deegaanada Gobolka Doollo, waxay wixii warbixin ah ama sawiro ah noogu soo hagaajin karaan email-kan hoos ku qoran: