Mudaaharaadyo ka socda magaalada Sheekh oo looga soo Horjeedo Siilaanyo
Hargeysa Mon 25-07-2016 12:05:12

Wararka ka imanaya magaalada sheekh ee gobolka Saaxil ayaa sheegaya in ilaa saaka uu ka socday halkaasi banaanbax ay wadaan dadweynaha deegaanku.

Waxay ka cabanayaan siddeed nin oo ka soo jeeda gobolkaasi Saaxil oo shalay Maxkamad Milleteri ku xukuntay Dil toogasho ah, kaddib markii maxkamadu sheegtay in lagu helay in ay dileen taliyihii boliiska ee gobolka Saaxil sanadkan horaantiisii.

Duqa Magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo BBC la xiriiray duhurkii isaga oo ku sii jeeda magaalada sheekh oo ay weheliyaan madax kale ayaa sheegay in gaadiidkii iska taageen labada dhinacba dawga buurta sheekh , laakiinse buu yidhi ay ka hawlgelayaan sidii xaaladda loo dejin lahaa .


Xafiiska Wararka
Magaalada Danood,
Ogaadeeniya