(SAWIRO) Qurba Joogta Beesha Maqaabul oo Deeq Mucaawino ah soo Gaarsiiyay Badhaadhe
badhaadhe Wed 08-06-2016 03:58:58

Laba gaari oo waaweyn oo sida raashinka noocyadiisa kala duwan ayaa ka baxay Kismaayo, gaarayna magaalada Badhaadhe iyo Kulbiyow, si loogu qeybiyo dadka danyarta ah, gaar ahaan inta lagu jiro bisha Ramadan.

Lacagta lagu gaday raashinka waxaa bixiyey xubno ka tirsan qurba joogta Beelweynta Maqaabul, waxayna u wakiisheen guddi uu madax ka yahay Sh. Xamdi Cabdi Xasan.


Xaaladda nololeed ee deegaanada ay ka kooban tahay degmada Badhaadhe ayaa ah mid aad u adag, waxaana ugu wacan laba arimood:

Go'doominta ay halkaasi ku hayaan kooxda argagixisada ah ee khawaarijta Alshabab, taas oo keentay in deegaanadaasi ay ka howgali waayaan hay'adaha samafalaka bixiya.
Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe gadhwadeenka ka yahay oo ka gaabiyey in ay caawiyaan deeganaasi intii degmada Badhaadhe ku jirtay gacanta maamulka Jubbaland.

Waxaa loogu baaqayaa dhammaan qurba joogta Beelweynta Maqaabul iyo daafaha dunida in ay mar walba diyaar u noqdaan horumarinta deegaankooda Joorey, oo aysan cid kale ku halayn, hana ogaadaan iyo deegaanada Joorey uu maanta yahay meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu badan ee ka jira Jubbaland marka laga eego xagga nolosha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Hoos ka daawo sawirada: