(XOG) Wasiir Jubbaland oo Mushahaar La'aan Uga Tagaya Shaqadiisa
Kismaayo Thu 08-10-2015 13:32:43


Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Wasiirka Madaxtooyada ee Jubbaland mudane C/Qani Cabdi Jaamac oo dhawaan iska casili doono xilka uu ka hayo Jubbaland.



 



Warar hoose oo lagu kalsoon yahay oo uu helay Warsidaha Danood Online, ayaa sheegaysa in sababta uu Wasiirku uga tagayo shaqada ay tahay dhaqaale xumo baahsan, gaar ahaan mushahaar la'aan. Wasiir C/Qani Cabdi Jaamac ayaa ah aqoonyahanada fara-kutiriska ah ee ku jira golaha wasiirada Jubbaland.



 



Warbaahinta taageerta Axmed Madoobe ayaa soo daabacay warar hor u dhac ah oo sheegaya in Wasiirku shaqo ka helay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake oo ay isku qoys yihiin, balse sababta uu shaqada uga tagayo waa ay qariyeen warbaahinta taageerta Axmed Madoobe oo ku caan ah nin jeclaysi iyo xaqiiqda oo la qariyo.



 



 



Danood Online,



Kismaayo