Aw Jaamac Cumar Ciise: Muftigii Taariikhda iyo Maansada Soomaalida u Miciinay
Wed 22-01-2014 00:18:55

Ma daalihii ma hadhooyinka reebay ee mooro-gelinta iyo meel marinta sooyaalka iyo murtida Soomaalida meel walba u maray. Mudanihii ururinta iyo raad-raacooda sidii uu uga midho dhalin lahaa marxalad kasta oo qalafsan u jiidhay oo maanta aynu milicsan karo midhaha macaan iyo madhaxa weyn ee uu inooga tegey ee ina mihiibsiiyey. Muftigii taariikhda iyo maansada Soomaalida u miciinay ee martabadda sare dadkiisa ka mudnaa, Aw Jaamac Cumar Ciise saacaddiiba malaayiin goor mawle ha u naxariistee, wax ka qoristiisa waxaa geya oo gorfayntiisa qaadaa dhigi kara oo igaga habboon dadyoowgii Aw Jaamac aqoonta dheer u lahaa ee iga yaqaaney iyo qalinleyda aqoonta kala duwan ku xididaystay ee qoraal geerida Aw Jaamac u qalma qariri kara.

Marse haddii uu Aw Jaamac allaystay, gocoshada xusuusta murugaysan ee ay tiiraanyadu hadhaysay ee Aw Jaamacii galbaday, waxaan guud ahaan la wadaagaa ummadda Soomaaliyeed, waxaase gaar ii ah oo ladh xanuun badan igu soo kicinaysa wada shaqayntii kalsoonida badnayd ee sanadihii 1997 – 2004 oo aanu Aw Jaamac (AHUN) subax iyo galab noolba diyaarinta iyo isku dubbaridka buuggaag badan oo hadda daabacan aanu ku kala hufi jirrey. Sanado aqoon kororsi iyo maalmo cilmi baadhiseed ayeey ahaayeen oo marka aan xiisaha abaadey ee farxaddooda dib u jeedaaliyo ay markiiba naxdinta geerida Aw Jaamac walaac u doorinayso. Humaag sawireedka muuqaalladii kulamadaas shaqo, waa kuwo si wel-wel iyo walbahaar badan maankayga weli ugu laba raadleynaya. Geeriduse waa xaq oo looma maaro heli karo.

Aw Jaamac wuxuu ahaa caalim Illaahiisa si joogto ah ugu xidhan oo si buuxda geeridan hadda ku timid ugu diyaar garoobey oo socodkiisa iyo hadalkiisuba xadadan yihiin, lehna saaxiibo iyo asxaab faro badan oo aad u jecel. wuxu ahaa maktabad kaydisay taariikh iyo suugaan Soomaaliyeed oo mar hore lumi lahayd oo uu soo doojintooda naftiisa iyo xoolihiisaba u huray. Wuxuu qoray oo ay Soomaalidu ab – ka -ab, kala dhaxli doontaa buuggaag kala geddisan oo dhaqanka, taariikhda iyo suugaanta Soomaalida ku saabsan. Wuxuu lahaa dabeecad fur-furan iyo kaftan uusan ku talax tegin oo aanay jaalayaashiisu ka xiiso goyn. Inta badan wakhtigiisa qoraallada uu qabyo tirayo ee uu ku fooraro waxaa u dheeraa in uu ahaa nin jecel inuu dadka dhegeysto iyo wadani had iyo goor xaaladaha qalafsan ee geyiga Soomaaliyeed ka taagan ka wel-welsan.

Wuxuu lahaa waayo aragnimo ay qoto dheeraanteedu aad u xirib iyo xeel dheer tahay inta badan sheeko kasta oo golaha uu fadhiyo la keeno waxaa dhici jirtey inuu qisooyin la mid ah oo hore u dhacay ku kabo.
Buuggaagtii uu dejiyey iyo shaqsiyadda Aw Jaamac Soomaalidu way ka dheregsan tahay oo maanta idinku daalin maayo ee intii aan war aad haysaan idinku beer goyn lahaa waxaan ka door bidayaa oo idiin doorayaa in aan muuqaallo kooban oo rag maqaawiir ahi ka dhex muuqdaan oo uu hore noogu sawiray aan gocoshada murugada geeridiisa ku xuso.

Aw Jaamac iyo Cali Dhuux

Aw jaamac (AHUN) wuxuu la kulmay gabyaagii caanka ahaa ee Cali Dhuux, wuxuu ii sheegay in uu weydiiyey gabayadiisa midka ugu qiimaha badan. Cali Dhuux (AHUN) oo uu Aw Jaamac ku sifeeyey nin meesha uu marayo, waxa uu cunayo iyo waxa uu odhanayo si weyn uga fiirsada, ayaa ku jawaabey: “adeer gabayo iskuma jiraan, waxaa ugu qiimo badan guba”. “Ma tii la isku diley ee diradiraha ahayd”, buu Aw Jaamac (AHUN) ku war celiyey? Kadib wuxuu Cali Dhuux yidhi, “adeer gabaygu wuxuu qiimo yeeshaa marka uu ka gudbo halkii laga tiriyey ee deegaan kale gaadho oo qabiilooyin kala duwani ku loolamaan balse haddii uu xaafadda laga mariyey dhaafi waayo oo ay caruurtu caanaha geela ku sugaan ma noqdo gabay meel mar ah.

Wuxuu haddana weeydiiyey maalintii ugu dhibaatada badnayd abid. Aamus dheer ka dib Cali Dhuux wuxu yidhi, “Wadaadoow waayo, waan soo jirey laakiin kuuma waayo waayeyn karo”.

Aw Jaamac iyo Cabdi Gahaydh

Wuxuu indhaha saaray gabyaagii caanka ahaa ee Cabdi Gahaydh (AHUN). Wuxuu ii sheegay Aw Jaamac in  isaga iyo rag kale oo fadhiya makhaayad ku taal magaalada Hargeysa uu Cabdi Gahaydh isla soo taagey. Markii la tusay oo la yidhi ninkani waa gabyaagii Cabdi Gahaydh ayuu Aw Jaamac (AHUN) sare kacay oo ka codsaday in uu la soo fadhiisto. Cabdi Gahaydh-na inta uu indhaha mariyey raggii meesha fadhiyey buu yidhi, “idin la soo fadhiisan maayo waayo wax aan garanayaana idinlama fadhiyaan, wax i le’igina idinlama fadhiyaan”,  wuuna iska dhaqaaqay. Aw Jaamac (AHUN) wuxuu ii sheegay in uu Cabdi Gahaydh ahaa nin qaro weyn oo aad u xoog weyn sida magaciisaba ka muuqata.

Maalin kale, wuxuu ii sheegay Aw Jamac (AHUN) in geed qudhac ah oo ku yaala togga Hargeysa uu kula kulmay Cabdi Gahaydh oo dad ugu sheekaynaya. siduu u hadlayey buu Cabdi Gahaydh hal mar intuu cirka fiiriyey yidhi, “odayaashii hore waxay odhan jireen caawa oo kale togga Hargeysa biyo ayaa mara”.  Aw Jaamac (AHUN) wuxuu ii sheegay inuu la yaabay oo uusan arrrintaa  ka rumaysan balse subaxdii uu ku waabariistey toggii Hargeysa oo biyuhu duulayaan. Waa aqoon ka mid ah aqoonta soomaalida oo uu Cadi Gahaydh wax ku odorosay.

Aw Jaamac iyo Cadnaan Qamaan Bulxan

Aw Jaamac (AHUN) oo baadi-doon ugu jira, arrimo uusan uga maarmin buug qabyo u ahaa, ayaa isagoo meel baadiye ah oo kulul dhalan-dhoolaya; wuxu si kedis ah ula kulmay wiil uu dhalay gabyaagii caanka ahaa ee Qamaan Bulxan oo la odhan jirey Cadnaan. Salaan iyo is bariidin ka dib, Aw Jaamac (AHUN) wuxuu Cadnaan weeydiiyey bal dad iyo duunyo waxa uu hayo. Cadnaan oo si wanaagsan u fahmay su’aasha Aw jaamac weeydiiyey, ayaa dhiniciisa ku jawaabey, “aabahay wuxuu dunida kaga tegey aniga iyo gabadh, xoolana labaatan geel ah oo aan walaashay yarad uga qaatay baa guriga ka foofta, geelaasna maalinta berri ah ayaa la iga kaxaysanayaa”.  Aw Jaamac (AHUN) oo yaaban oo haddana welwelsan, ayaa Cadnaan ku celiyey, “maandhoow maxaa geela loo kaxaysanahayaa?”.  Wiilkii oo aysan wax walbahaar ahi ka muuqan ayaa Aw Jaamac (AHUN) ugu war-celiyey in gabadhii la soo furay iyadoo aan weli aqal gelin. Aw Jaamac (AHUN) oo yaab iyo amakaag ay indhihii la soo baxeen ayaa sababta furiinkaas kaliftey mar kale, Cadnaan weeydiiyey!  Cadnaan wuxu ku jawaabey, “Gaadhi bay fuushay baa la yidhi” .

Aw Jaamac Cumar Ciise (AHUN) waxaan dhawr goor ka maqlay isagoo ku cel-celinaya, “raggii hore wixii tegey way ka sheekayn jireen, waxa joogana way ka arrimin jireen, waxa soo socdana way odorosi jireen” Sidaas buu isaguna hawlihiisa qoraanimo ee uu ka soo dhalaalay u marxaladayn jirey. Muuqaalladaas kooban ee aan soo xusnay iyo kuwo kale oo badan oo aanan hadda soo koobi karin waxay iftiiminayaan halgankii uu Aw Jaamac cayminta taariikhda iyo suugaanta Soomaalida u galay. Eebbe naxariistii janno ha siiyo, gidigeenna samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aamiin.

W. Q. Ibrahim M. Deeq
Email: imdeeq@gmail.com
 

Qoraaga: Ibrahim M. Deeq